MUQDISHO (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay shil gaari oo xalay ka dhacay waddada aad dhanka deegaanka Jasiira ee duleedka Muqdisho.
Shilka ayaa yimid, ka gadaal markii gaari nooca raaxada ah oo ay wateen koox dhalinyaro ah uu ka baxay waddada, kadibna uu rogmaday, waxaana ka dhashay khasaare xooggan.
Wararka ayaa sheegaya in shilkan ay ku dhinteen ugu yaraan illaa 3 qof oo kala ahaa laba gabdhood oo baabuurka saarnaa iyo darawalka oo ahaa askari ka tirsan ciidanka dowladda.
Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in gaariga uu xawli ku socday, isla markaana uu tartan kula jiray baabuur kale, taas oo keentay inuu waddada ka baxo.
Shilalka gaari ayaa ku badan waddada dheer ee aada xeebta Jasiira, sababo la xiriira xawliga baabuurta lagu wado iyo weli burbur ka jira qaybo kamid ah waddadaasi.