Faah-faahinta hoobiyeyaal lagu garaacay nawaaxiga garoonka Aadan Cadde

0

MUQDISHO (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay hoobiyeyaal ah oo saaka lagu garaacay nawaaxiga garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

 

Wararka ayaa sheegaya in illaa 5 hoobiye ay ku dhaceen xaafadaha Ceelqalow iyo Dan-wadaagta oo u dhow xeyndaabka xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.

Ugu yaraan laba qof oo rayid ah ayaa ku dhaawacmay hoobiyeyaashaan, kadib markii ay ku dhaceen xaafadahooda.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha amniga oo ku aadan weerarkan, waxaase soconato baaritaano dheeraad ah.

Halkan hoose ka daawo warbixinta:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here