MUQDISHO (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo sababay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.
Qaraxa ayaa haleelay gaari Hoomey ah iyo Mooto Bajaaj marayay agagaarka isgoyska Soos ee degmada Heliwaaa, sida uu xaqiijiyay taliska booliska gobolka Banaadir.
Qoraal kasoo baxay booliska ayaa waxaa lagu sheegay in qaraxa ay ku dhinteen ugu yaraan 5 qof, ayna ku dhaawacmeen 10 kale oo dhamaan ah dad shacab ah.
Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidatan:-
Inaa lilaahi wa inaa ilaahi raajicuun.
Khawaarijta Arxanka daran, ayaa caawa fiidkii 19 Feb 2024, dhagar qarax ah la eegatay gaari nuuca dadweynaha ah iyo mooto bajaaj marayay isgoyska SOS ee Degmada Heliwaa.
Qasaaraha uu qaraxu reebay ayaa ah dhimashada 5 qofood iyo dhaawaca tobaneeyo kale, oo dhamaantood goobta marayay.
Ciidamada Amaanka oo goobta ku baxay, ayaa gurmad la gaaray dadkii shacabka ah ee goobta ku wax yeeloobay.
Wa bilaahi towfiiq.