Afgooye – Warar cusub ayaa kasoo baxay dagaal culus oo saaka dhexmaray ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab, waxaana uu dagaalka ka dhacay deegaanka Sabiib iyo Caanoole ee hoostaga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Dagaalka ayaa ku bilowday qaraxyo ay Al-Shabaab ku qaadeen saldhigyo ay ciidamada dowladda ku leeyihiin labada deegaanka, Sabiib iyo Caanoole. Waxaa la xaqiijiyey in dagaalku uu sababay khasaarooyin kala duwan oo soo gaaray labada dhinac.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalku uu ahaa mid xooggan, iyadoo labada dhinac ay isku adeegsanayeen hub culus, hase yeeshee ma jiraan warar faahfaahsan oo ku saabsan khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.
Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegay in xaaladda deegaanka ay haatan deggan tahay, iyadoo ciidamada dowladda ay wadaan dhaq-dhaqaaqyo amni sugid ah si ay u xakameeyaan xaaladda.
Illa iyo hadda, saraakiisha ciidamada dowladda ee gobolka Shabeellaha Hoose kama aysan hadlin weerarkan ay Al-Shabaab ku qaadeen deegaanka Sabiib iyo Caanoole.
Dagaalkan ma ahan kii ugu horreeyey oo Al-Shabaab ay weerar ku qaadaan deegaanka Sabiib iyo Caanoole ee hoostaga degmada Afgooye, waxaana horey weeraro isdaba joog ah uga dhici jiray deegaankaasi.