MUQDISHO (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax miino oo xalay ka dhacay qaybo kamid ah degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.
Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala eegtay gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday.
Ciidamada la qarxiyay ayaa ka tirsanaa kuwa xasilinta caasimada ee loo yaqaano Boolis Milataaro, kuwaas oo haatan howlgallo amni xaqiijin ha ka wada caasimada.
Ugu yaraan 3 askari ayaa ku dhintay qaraxan, halka ay ku dhaawacmeen 4 kale, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka Soomaaliya.
Weerarkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo maalmihii u dambeeyay xaaladda ammaan Muqdisho ay daganeyd, kadib markii la xoojiyay ciidamada ku sugan caasimada.