Faahfaahin: Qarax khasaare geystay oo ka dhacay magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) -Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax goordhow ka dhacay qaybo ka mid ah degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

 

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso ayaa ka dhacay nawaaxiga halka loo yaqaano Ceel Ifis ee degmada Dayniile, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Wararka aan heleyno ayaa sidoo kale sheegaya in qaraxa lala beegsaday gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaan ku dhintay ugu yaraan 2 askari, halka ay ku dhaawacmeen 3 kale, kuwaas oo la sheegay inay ahaayeen askar ka tirsan Boolis Milataaro

Ma jiro wax faahfaahin ah oo ay weli saraakiisha laamaha ammaanka ka bixiyeen qaraxaasi uu khasaaraha kasoo gaaray ciidamada dowladda Soomaaliya.

Xaaladda goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here