Faahfaahino ka soo baxaya hoobiyeyaal lagu weeraray xerada Xalane

0

MUQDISHO (SMN) – Jug culus ayaa maanta barqadii laga maqlay Xarunta Xalane iyo Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa Shabelle u sheegay in illaa labo Hoobiye inay ku dhaceen xerada Xalane iyadoo mid 3aad uu ku dhacay agagaarka halka ay diyaaradaha kusoo degtaan ee Garoonka Aadan Cadde.

Wararka ayaa intaas ku daray in hakad yar uu ku yimid duulimaadka diyaaradaha Garoonka markii uu hoobiyaha ku dhacay nawaaxiga run-way-ga.

Illa hadda lama garanayo halka laga soo tuuray hoobiyeyaasha saakay, oo dhawaqooda laga maqlay Degmooyinka qaar ee gobolka Banaadir.

Garoonka diyaaradaha Muqdisho oo kamid ah ilaha dhaqalaha ugu weyn dowladda waxuu waayadaan dambe soo jiidanayay indhaha caalamka, ayadoo diyaaradaha caalamiga ah ee duulimaadka ka billaabay ay kordheen.

Weerarrada lagu qaado garoonka diyaaradaha iyo nawaaxigiisa iyo xarunta Xalane waa ay ka saammayn badanyihiin kuwa ay sida joogtada ah Al-Shabaab uga fuliyaan magaalada Muqdisho dhexdeeda.

Xerada Xalane oo ku dhegan Garoonka Aadan Cadde ayaa waxaa degan Qaramada Midoobey, Taliska Midowga Afrika, sidoo kalena waxaa ku dhex yaala Safaaradaha Wadamada Reer Galbeedka, oo kuwa Mareykanka iyo Ingiriiska ay kamid yihiin.

Madaafiicdan ayaa waxay ku soo aadaysaa, xilli Magaalada Muqdisho ay ku jirto xaalad degan, islamarkaana ciidan badan la dhigay wadooyinka, maadaama loo diyaar garoobay xuska 26-ka June.

Al-Shabaab ayaa muddooyinkii ugu dambeysay kordhiyay weerarada, kadib markii dowladda ay ka saartay degaanno badan intii uu socda wajiga 1aad ee howlgalka militeri, oo intiisa badan ka dhacay HirShabeelle iyo Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here