GURICEEL (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal khasaare gaystay oo xalay ka dhacay gudaha magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.
Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa ka dhacay bartamaha magaalada, wuxuuna u dhexeeyay ciidamada booliska magaaladaas iyo maleeshiyaad hubeysan, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.
Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyaadka weerarka soo qaaday ay ka careysnaayeen xarig Guriceel loogu gaystay labo iyaga ka tirsanaa, waxayna kadib sidaas kusoo weerareen ciidamada ammaanka.
Ugu yaraan 2 qof ayaa ku dhintay iska hor imaadka oo uu mid kamid ah ahaa askari ka tirsan booliska, halka qofka kalena uu ahaa shacab, sida ay sheegeen laamaha amniga.
Sidoo kale waxaa shaqaaqadaan ku dhaawacmay 4 qof oo kale oo isugu jiro askar iyo dad shacab ah oo aan waxba galabsan.
Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana degmada Guriceel howlgallo baaritaano ah ka wada ciidamada ammaanka oo baadi goobaya ragii ka dambeeyay falkaasi.