Faahfaahino kasoo baxaya dagaal ka dhacay magaalada Garoowe + Khasaaraha

0

GAROOWE (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo maanta ka dhacay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland, kaas oo dhaliyay khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

 

Dagaalka ayaa u dhexeeyay ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Puntland iyo ciidamo kale oo taabacsan xubnaha mucaaradka ee ku sugan magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu yimid kadib markii ay isku dhaceen ciidamada maamulka oo galbinayay nin Youtuber ah iyo kuwa mucaaradka oo ku wada dagaaalamay bartamaha magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay dagaalkan, halka ay ku dhaawacmeen saddex qof oo kale oo isugu jiro askar iyo dad shacab ah.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan shaqaaqadaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here