Faahfaahino ka soo baxaya qaraxyo ismiidaamin ah oo ka dhacay Doolow

0

DOOLOW (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxyo ismiidaamin ah oo barqanimadii maanta lagu weeraray xero ay ciidamada Itoobiya ku leeyihiin duleedka degmada Doolow ee gobolka Gedo.

 

Qaraxyada oo labo ahaa ayaa waxaa mid kamid ah lagu dhuftay albaabka hore ee xerada, halka midka labaadna uu ka dhacay dhabarka dambe ee saldhigga ciidanka Itoobiya.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxyada kadib rasaas xoogan laga maqlay aagga xerada, oo weli laga dareemayo xaalad kacsanaan ah.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay weeraradan qaraxyada loo adeegsaday, waxaana xerada isku ballaariyay ciidanka Itoobiya oo hakiyay dhaq-dhaqaaqa meesha ay wax ka dhaceen.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Gedo oo ka hadlay weerarkan waxa ay shaaciyeen in la fashiliyay, isla-markaana ciidanka Itoobiya ay ka hortageen in gudaha loo galo xerada.

Weerarkan ayaa kusoo aadayo, maalmo uun kadib markii ay sidaan oo kale ay Al-Shabaab u weerareen saldhiga ay ciidamada ATMIS, gaar ahaan kuwa dalka Uganda ku leeyihiin magaalada Buulo-Mareere ee Shabeelaha Hoose, kaas oo sababay khasaare aad u xoogan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here