MUQDISHO (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay maqaaxi ku taalla agagaarka isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho.
Qaraxa oo jugtiisa si xoogan looga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir ayaa waxaa fuliyay qof isku soo xiray walxaha qarxa, kaas oo ay rasaas ku fureen ciidamada ammaanka oo markii horaba ka shakiyay.
Booliska Soomaaliya oo war kasoo saaray qaraxan ayaa shaaca ka qaaday in la fashiliyay qaraxa, uuna ku dhaawacmay hal askari.
Halkan hoose ka akhriso:-
Ciidanka ammaanka ayaa fashiliyey Naftii halige isku soo xiray Qarax kaas oo doonayay inuu isku Qarxiyo goob maqaaxi ah oo ku taala degmada Howlwadaag ee gobalka Banaadir.
Ciidanka ammaanka oo si wayn uga foojigan dhagarta Khawaarijta nafla caariga ah ayaa fahmay Dhagar qabaha lagu soo xiray Qarxa, waxaana suurta gashay inuu kaligiis Qarxo iyadoo ay ceyrsanayaan ciidanka ammaanku.
Saraakiisha Hay’adaha ammaanka ayaa sheegay inuu dhaawac fudud soo gaaray kaliya hal askari oo ka mid ahaa askartii fahmay in dhagar qabahaan uu ku xiran yahay qarax.