MUQDISHO [SMN] – Warbaahinta Shabelle ayaa heshay macluumaad xasaasi ah oo ku saabsan inuu jiro qorsho ay wadaan siyaasyiin miisaan culus oo doonaya inay musuq-maasuqaan lacag aad u badan oo Bangiga Adduunka ugu tala-galay in Soomaaliya looga fuliyo Mashaariic horumarineed.
Dukumintiyo ay Shabelle heshay ayaa muujinaya in qorshaha lagu leexsanayo dhaqaalaha uu kamid yahay in kiisas been ah lagu soo oogo shaqaalaha xirfadda iyo aqoonta leh ee ka shaqeynaya Mashaariicda si loo eryo, iyadoo kadibna la damacsan yahay in lagu bedelo boosaskooda shaqaale aan aqoon lahayn oo fududaynaya musuq-maasuqa.
Arintan khatar leh ayaa jebinaysa xeerarka iyo xuquuqda shaqaalaha dalka iyo nidaamyada Bangiga Adduunka, waxaana ay dhawac ku noqonaysaa kalsoonida deeqbixiyaasha caalamka ku qabo dowladda Federaalka, oo dhawaan lagu aaminaysa in toos gacanteeda loo geliyo deeqaha maaliyadeed ee dibada uga yimaada.
Hirshabeelle iyo Wasaaradda howlaha guud ee dowladda Federaalka ayaa ah meelaha ugu badan ee kiisaska musuqa ka jiraan. Wasaaradda Howlaha Guud ayaa xal ka gaartay isku day shaqo ka carin ahayd, oo aan cadaalad ku saleysneyn oo lagu sameeyay shaqaalihii mashaariicda Bangiga Aduunka ka shaqeynayay.
WarbaahintaShabeelle ayaa sidoo kale ogaatay in shaqaalaha kale ee ka shaqeeya mashaariicda uu bixiyo Bankiga Adduunka ay cabsi joogto ah ka qabaan in shaqada laga eryo sababo la xiriira damaca siyaasiyiinta sare ee raba inay lacagta musuq-maasuqaan.
Mashruuca sida weyn loo bartilmaameedsanayo in la leexsadao dhaqaalihiisa ayaa ah ‘Barwaaqo’ oo loogu tala-galay reer miyiga, kaasoo loo dhiibay Wasaaradda Qorsheynta Soomaaliya. Hirshabelle, si la mid ah dhammaan Maamul Goboleedyada dalka, ayaa ka faa’iideysanaysa mashruuca malaayiinka dollar ku baxaya.
Hirshabeelle ayaa hadda ku sameynaysa hawl-wadeennada mashruuca handadaad, qasbid, iyo ficilo kale oo aan sharci ahayn, iyagoo madaxda la raba shaqada dad aan u qalmin, balse ujeedada laga leeyahay ay tahay in loo maro xatooyadda dhaqaalaha. Si kastaba, falalkan kuma koobna Hirshabeelle oo kaliya, oo arrinteeda hadda aad looga hadal hayo.
Saraakiisha heer Federaal iyo dowlad Goboleed oo magacyadooda diiday in la baahiyo maadaama kiiska uu xasaasi yahay, ayaa xaqiijiyay in eedeymo been ah loo maleegayo shaqaalaha hadda ka shaqeynaya Mashruuca Barwaaqo, taasoo ah xeelad lagu bedelayo. Tallaabadan ayay sheegeen inay tahay mid loogu talagalay in dhaqaalaha uu bixiyay Bangiga Adduunka lagu leexsado, iyadoo lala yimid hindiseyaal cusub oo wax lagu musuqmaasuqayo.
Xog lagu kalsoonaan karo oo aan helnay ayaa sheegaysa in dhawaan shaqaale loo qoray mashruuca Bankiga Adduunka ee Hirshabeelle, iyadoo loo sameeyay Cv iyo shahaadooyin been abuur ah. Mas’uul sare oo ka tirsan Hirshabeelle ayaa ku tilmaamay qorshan “khiyaano” ay soo abaabuleen madaxda sare ee maamulka.
Warbaahinta Shabelle oo u kuurgashay arintan ayaa ayaa heshay cadaymo muujinaya talaabadan siyaasadaysan ee sifo sharciga baal-marsan, oo cadaalad darro ah shaqada looga eryayo shaqaalaha si akoono gaar ah loogu shubto lacagta Bangiga Adduunka u bixiyay in looga faa’ideeyo malaayiin shacab ah oo ku nool Soomaaliya.\
Madaxda Hirshabelle ee lagu eedeeyay musuq-maasuqa, ayaa diiday inay ka jawaabaan su’aalo ay Shabelle ka waydiisay, iyagoo taasi muujinayso culeyska uu leeyahay kiiskan. Qof ku dhaw Madaxweyne Cali Gudlaawe oo magaciisa aan qarinay ayaa ku tilmaamay arintan musuq-maasuqa fadeexad aan horey loo arag. Wuxuu intaasi ku daray in hogaamiyaasha HirShabeelle ay ku mashquulsan yihiin sidii ay u dabool lahaayeen arintan soo shaac baxday, waxayna lacag siinayaa dadka baraha bulshadda caanka ka ah si ay sawirka u bedelaan. Laakin arinta ayaa laga digay inay sii xumayso xaaladda, maadaama lala xiriinayo kiiska qabiil iyo arrimo kale.
Xiriirka ururada shaqaalaha Soomaaliyeed ee FESTU ayaa cambaareeyay arintan lagu beegsanaya shaqaalaha mashruuca Bangiga Adduunka, wuxuuna xoghayaha guud ee FESTU Cumar Faaruuq ku tilmaamay qorsho siyaasadeysan oo howlwadeenada xirfadda, kartida iyo aqoonta leg lagu eryayo, iyagoo dusha laga saarayo dembiyo been ah, si loo keeno boosaskooda kuwa madaxda wataan, taasina ay tahay mid kasoo horjeeda sharciga shaqaalaha dalka.
Maadaama kiiska ay faraha kula jiraan siyaasiyiin, ayaa Xiriirka ururada shaqaalaha Soomaaliyeed ee FESTU sheegay inuu ka rajaynayo Wasiiradda maaliyadda iyo Oorsheynta dowladda Federaalka oo mas’uul ka ah kor-joogtaynta mashruuca Bangiga Adduunka inay arinta musuq-maasuqa ah si deg deg ah usoo farageliyaan, islamarkaana wax uga qabtaan. Ururada shaqaalahaa waxay aaminsan yihiin inay Wasiiradda fahmi karaan muhiimadda ay leedahay in shaqaalaha lagu qorto xirfadooda, aqoontooda iyo hufnaantooda, maadaama ay maamulayaan masharuuca ballaaran oo loogu tala galay horumarinta dalka.