Faah faahino kasoo baxaya dagaal ka dhacay degmada Diinsoor

0

DIINSOOR (SMN) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar madaafiic ah oo dagaalamayaasha Al-Shabaab ay ku qaadeen Saldhig ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin degmada Diinsoor ee gobolka Baay, kadibna waxaa xigay dagaal toos.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay iney maqlayeen dhawaqa madaafiicda oo ay sheegeen in ku dhaceen Saldhiga ciidamada Itoobiya kuwa ka tirsan howlgalka AMISOM ku leeyihiin degmada, hayeeshee aysan cadeyn karin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhaahay weerarka madaafiicda ee lagu garaacay xerada ciidamada Itoobiya ee Buurhakaba.

Al-Shabaab oo ka hadlay weerarkaasi madaafiicda ah ayaa waxay sheegteen iney madaafiicda la heleen gudaha Saldhiga ciidamada Itoobiya, uuna jiro khasaare kala duwan.

Ciidamada Itoobiya ayaa la sheegay in dhankooda jawaab celin ay ka bixiyeen weerarka madaafiicda ah, iyagoona riday hub aad u culus oo ay la bartilmaameedsadeen dhinaca madaafiicda looga soo weeraray, inkastoo aanan la ogeyn khasaaraha ka dhashay jawaab celinta ay sameeyeen.

Inta badab Al-Shabaab ayaa weeraro noocaan oo kale ah la beegsada Saldhigyada ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda ee ku sugan Koonfur Galbeed Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here