Fahfaahin ku saabsan dagaal culus oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe

0

JOWHAR [SMN] – Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa saakay Al-Shabaab kula galay dagaalo xoogan deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Weerarrada ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanada Ceel Cali Axmed iyo Cali Fooldheere, halkaas oo howlgalka ugu culus ee ciidamada iyo dadka deegaanka ay ka fuliyeen.

 

Saraakiisha ciidamada Xoogga Dalka ee hoggaaminayey howlgalka ayaa xaqiijiyey in ciidamadu ay ku guuleysteen inay ka saaradaan Al-Shabaab deegaanadaas, iyagoo dagaalka uu geystay khasaare nafeed oo baaxad leh.

Waxa la sheegay in meydadka inay daadsan yihiin deegaanka Ceel Cali Axmed, halkaas oo ay ku dhinteen askar iyo dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab, sida ay dadka deegaanka sheegeen.

Ciidamadu waxay sidoo kale ku guuleysteen inay gacanta ku dhigaan hub iyo qalab muhiim ah oo lahayd Al-Shabaab. Howlgalka ayaa si weyn u adkeeyey amniga gobolka, waxaana la filayaa in uu sii socdo ilaa Al-Shabaab laga saarayo koonfurta Soomaaliya.

Faahfaahinta rasmiga ah ee howlgalkaan ayaa la filayaa in la soo bandhigo goordhow, iyadoo Warbaahinta Qaranka ay si joogto ah u soo gudbinayso xogta ku saabsan xaaladda amniga iyo horumarka howlgalka ee ka socda gobolka Shabeellaha Dhexe.

Guulaha laga gaarey dagaalkan ayaa muujinaya guulaha ciidamada dowladda iyo shacabka deegaanka ay ka gaareen difaaca amniga iyo ka hortagga argagixisada, kuwaas oo sii wadi doona dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here