Fahfaahin: Qarax Is-miidaamin ah oo Ka Dhacay Kuliyadda Jaalle Siyaad ee Muqdisho

0

Muqdisho, Soomaaliya, Luulyo 9 – Qarax is-miidaamin ah ayaa barqanimadii maanta ka dhacay afaafka hore ee Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho, kaasoo ay wararka hordhaca ahi sheegayaan inuu sababay khasaare aan wali si rasmi ah loo cayimin.

 

Qaraxa, oo laga maqlay qaybo badan oo ka mid ah caasimadda, ayaa dhacay abbaaro 11:20am, sida lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

“Qarax ayaa saaka ka dhacay afaafka hore ee Kuliyadda Jaalle Siyaad, waxaana fuliyay qof naftii halige ah oo ka tirsan argagixisada Khawaarijta Al-Shabaab,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Wasaaraddu waxay sidoo kale sheegtay in ciidamada ammaanka ay wadaan baaritaanno dheeraad ah, ayna shacabka la wadaagi doonaan faah-faahin rasmi ah marka la helo xogta dhameystiran.

“Ciidamada ammaanka ayaa wada baaritaanno, waxaana shacabka la wadaagi doonaa macluumaadka rasmiga ah marka uu soo dhammaystirmo, haddii Alle idmo,” ayaa lagu daray qoraalka.

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa haatan la sheegay in ay tahay mid deggen, waxaana dib u billowday dhaq-dhaqaaqa caadiga ah ee wadada muhiimka ah ee hor marta kuliyadda.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay yaraadeen weerarrada is-miidaaminta ah ee kooxda Al-Shabaab ay ka fuliyaan Muqdisho, iyadoo dowladda Soomaaliya ay kordhisay dagaalka ka dhanka ah kooxdaasi, gaar ahaan gobollada dhexe iyo koonfureed.

Kooxda Al-Shabaab ayaa marar badan beegsatay xerooyinka ciidan, waxaana horey ay u qaadeen weerarro ka dhan ah dhalinyaro la qorayay oo ku sugnaa xeryo ciidan oo ku yaalla caasimadda.

Kooxda Al-Shabaab weli kama aysan hadlin weerarka maanta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here