GAROOWE (SMNN) – Golaha wakiilada Puntland oo maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ayaa soo saaray go’aan culus oo ku aadan furista dastuurka maamulkaasi oo ay isku hayaan mucaaradka iyo Saciid Deni.
Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa cod aqlabiyad leh waxa ay ku meel-mariyeen ansixinta wax-ka-bedelka Dastuurka dowlad-goboleedka Puntland.
Waxaa oggol ugu codeeyay 54 mudane, halka ay diideen 6 mudane oo kale, cid ka aamustayna ma jirin, sida uu sheegay guddoonka Baarlamaanka Puntland.
Haddaba Sidee looga falceliyay go’aanka golaha wakiilada PUNTLAND?
Qaar kamid ah shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa reer Puntland ayaa si adag uga falceliyay go’aanka Baarlamaanka Puntland oo ku soo aaday xilli xasaasi ah.
Abaadir Salaad oo kamid ah dadka ka falceiyay ayaa taageeray go’aanka Baarlamaanka, wuxuuna yiri “Guul iyo gobonimo waa wixii ugu fiicnaa Parliament ka PL qabteen intii ay jireen. Horey ha loo socdo”
Cabdisalaan Saciid ayaa isna yiri “Dastuurka inta wax ka beddalaysa ma ku fakirteen Nugaal qaabka ay golaha deegaanka uga dhici lahayd?”.
Shaadiya Mursal ayaa ayaduna uga falcelisay “Dal waxaa hogaamin kara nin go aan leh 👍Dani”.
Xaliye Yuusuf ayaa isuguna ku jawaabay “Berina mudda kordhin laba sano ah armaa samaysataan mudanayaal”.
Shaakir Maxamuud ayaa ka horyimid isna wax ka beddalka dastuurka Puntland “Waxaas yaa idinka yeelaya Deni baa idin soo laaluushaye”.