Faransiiska oo soo jeediyay qorshe lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab

0

MUQDISHO (SMN) – Faransiiska ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay Soomaaliya ku taageeraan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, xili dalka uu ku jiro marxalad adag oo kala-guur ah oo Ciidamada Midowga Afrika baxayaan, kuwa dowladana isku diyaarinayaan inay mas’uuliyadda amniga qaran si buuxda ula-wareegaan.

 

Dowladda Faransiiska ayaa sheegtay in baahi loo qabo dadaallo caalami ah oo Soomaaliya ka gacan siinaya inay gaarto isku filnaansho dhinaca amniga oo mudo ka badan 16 sano ku tiirsanayn Ciidamada ka socda dalalka Uganda, Burundi, Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti.

“Soomaaliya waxay maraysaa meel xasaasi ah, Hawlgalka Midowga Afrika ee (ATMIS) ayaa lagu wadaa inuu dhamaado ka bixitaankiisa 31-ka December 2024, waxaana sidoo kale la soo gebagebeyn doonaa howlgalka Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM),” ayay tiri ku-xigeenka Safiirka U fadhiya Faransiiska Gollaha amaanka.

Nataliye ayaa ku ammaantay dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika qorshahooda istaraatiijiyadeed ee kala-guurka, waxayna ku baaqday in si habsami leh ay Ciidanka ATMIS iyo kuwa dowladda ay ugu kala wareegaan saldhigyadda, si aysan u dhicin marnaasho dhanka amniga, oo Al-Shabaab ka faa’idaysan karta.

Dowladda Faransiiska ayaa balan qaadey inay sii wadi doonaan taageeradda Soomaaliya, iyadoo xustay in Midowga Yurub uu in ka badan 4.3 bilyan oo Yuuro ku bixiyay soo celinta amniga Soomaaliya tan iyo 2009. Waxay ku boorisay saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka inay garab istaagaan dadaallada lagu xakameynayo khatarta Al-Shabaab.

Midowga Yurub ayaa qeyb ka ah dowladaha ka taageera Soomaaliya dhinacyada dowlad-dhiska iyo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, waxaana uu bixiyaa dhaqaalaha ugu badan ee ku baxa howlgalka ATMIS, oo waqtigiisa gaba-gabo maraya, waxaana la filayaa in la sameeyo ciidan kooban oo dalka sii joogi doono kuwaasoo ilaaliya meelaha muhiimka ah.

Ciidamada Itoobiya ayaan qeyb ka ahaan doonin howlgalka cusub ee bedelaya ATMIS, maadaama xiriirka labada dal uu xun yahay, islamarkaana dowladda Federaalka ku eedeysay Addis Ababa faragelin qaawan inay ku hayso madax-banaanida iyo midnimda dalka kadib markii heshiis sharci daro ah oo ku boobayso badda la gashay horaantii sanadkan maamulka Somaliland. @⁨Sofeysane⁩ @⁨Nasri⁩

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here