ADDIS ABABA (SMN) – Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay in dalkiisu uu taageerayo doonista Itoobiya ee ku aaddan helitaanka badda iyada oo loo marayo shuruucda caalamiga ah ee ay kuwada macaamilaan dalalka badda leh iyo kuwa aan lahayn.
Macron oo shalay booqasho ku tagey Addis Ababa ayaa wadahadallo laba geesood ah la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed. Isagoo ka hadlay shirka jaraa’id, Madaxweynaha Faransiiska wuxuu soo dhaweeyay heshiiskii Ankara ee ay ku gaareen Itoobiya iyo Soomaaliya 11-kii Dec ee lagu soo afjaray khilaafkii uu dhaxaysay.
Madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya waxay ku caddeeyeen bayaanka ay kasoo saareen shirkii Ankara in la ixtiraamka dal walba madaxbannaanidiisa, midnimadiisa, iyo wadajirka dhuleed, iyo sidoo kale mabaadi’da caalamiga ah, Axdiga Qaramada Midoobay iyo kan Midowga Afrika.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ku heshiiyay in la bilaabo “wada xaajoodyo farsamo” bisha Febuary 2025 oo ku saabsan marinka badda ee Itoobiya, iyadoo la filayo in wada-xaajoodyadaas uu fududeeyo Turkiga oo “lagu soo gabagabeeyo lana saxiixo” afar bilood gudahood.
Horumarkan ayaa yimid ka dib khilaaf sannad ku dhow u dhexeeyey Soomaaliya iyo Itoobiya oo soo bilaabmay 1-dii January 2024 markii Madaxweynihii hore ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo Ra’iisul Itoobiya Abiy Axmed ay kala saxeexdeen heshiis is-afgarad ah oo 20 KM oo ka mid ah badda Soomaaliya lagaga kireeyey Itoobiya muddo 50 sannadood ah, taas beddelkeedana ay Itoobiya ku siinayso maamulka Hargeysa aqoonsi.
Dowladda Soomaaliya ayaa ku gacan seyrtay heshiiskaas, waxayna Itoobiya ku eedeysay inay “xadgudub cad” ku sameysay madax-bannaanideeda iyo midnimadeeda.
Sabtidii shalay, Madaxweyne Macron waxa uu muujiyay sida uu diyaarka ugu yahay in uu taageero doonista sharciga ah ee Itoobiya ee helitaanka badda.
Waxa uu sheegay in Faransiisku uu danaynayo in uu kaalintiisa ka qaato fududaynta siyaabaha lagu gaari karo marinka badda si mas’uuliyadi ku jirto, iyadoo la wadahadlayo, si loo dhowro shuruucda caalamiga ah, lana ixtiraamo dalalka deriska ah madax-banaanidooda.
Abiy Axmed ayaa sheegay in isaga iyo Macron ay si fiican uga wadahadleen sidii dalkiisa uu si nabad ah ku geli lahaa badda cas. Wuxuu sheegay in madaxweynaha Faransiiska uu aqbalay codsigii Itoobiya ee ahaa in laga taageero doonista marinka badda.