MUQDISHO – Waxaan bogaadin iyo dhiirrigelin u dirayaa geesiyaasha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidamada Daraawiishta Jubbaland, kuwaas oo guul muhiim ah ka soo hooyay dagaalka sifeynta ah ee ay kula galeen argagixisada Al-Shabaab, kaas oo ka dhacay deegaanka Kudhaa iyo nawaaxigiisa.
Guushan waxay si cad u muujinaysaa naf-hurnimada, geesinimada, iyo heeganka Ciidamada Soomaaliyeed, kuwaas oo mar walba u taagan difaaca, xoreynta dhulkeenna, iyo ciribtirka argagixisada duullaanka ku ah nolosha, nabadda, iyo dowladnimada shacabka Soomaaliyeed.
Waxaan Dowladda Federaalka Soomaaliya ku adkaynaynaa in ay sii xoojiso mudnaan-siinta, tayeynta, iyo taageeridda Ciidamada Qalabka Sida, gaar ahaan ciidamada ku sugan furimaha hore ee dagaalka, si loo xaqiijiyo guulo waara oo lagu ciribtirayo argagixisada.
Ugu dambeyn, waxaan Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo halyeeyadii u shahiiday guushan taariikhiga ah, samir iyo iimaan uu ka siiyo ehelladooda iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, halka aan u rajaynayo bogsiimo degdeg ah dhammaan ciidamada ku dhaawacmay howlgallada.





