Farmaajo oo ka tacsiyeeyay geerida ku timid madaxweynihii hore ee Somaliland

0

HARGEYSA (SMN) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farnaajo) oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid madaxweynihii hore ee maamulka Somaliland Axmed Siilaanyo oo ku geeriyooday Hargeysa.

 

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun

Waxaan qoyska, qaraabada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyaynayaa geerida ku timi, Alle ha u naxariistee, Madaxweynihii hore ee Maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, oo ku geeriyooday magaalada Hargaysa.

Marxuumka oo muddo dheer u soo shaqaynayey dalka, ayaa xilligii Dowladdii Rayidka ahayd ka mid ahaa madaxdii Wasaaraddii Qorshaynta Qaranka oo uu qabtay xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, isaga oo sidoo kale, xilligii dowladdii dhexe wasiir ka noqday Wasaaradaha Qorshaynta Qaranka, Ganacsiga iyo Guddiga Dhaqaalaha Qaranka oo uu hoggaamiyey.

Waxaan Allaah u weydiinayaa in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey Marxuumku.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here