Farmaajo oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul Fitriga

0

Muqdisho — Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa hambalyo ku aaddan munaasabadda Ciidul Fitriga u diray dhammaan ummadda Soomaaliyeed.

 

Farmaajo ayaa sheegay in uu Alle ka baryayo in laga aqbalo acmaashii wanaagsaneyd ee la gudtay bishii barakaysnayd ee Ramadan.

Sidoo kale, wuxuu xusay muhiimadda ay leedahay in si gaar ah loo xasuusto ubadka ay ka tageen halyeeyada Ciidamada Qalabka Sida ee u shahiiday difaaca dalka, loona muujiyo garab istaag iyo daryeel.

Ugu dambeyn, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Alle ka baryay in uu mar kale shacabka Soomaaliyeed ku gaarsiiyo Ciid kale iyagoo ku sugan nabad, midnimo iyo barwaaqo.May be an image of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here