MUQSHO – Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa hambalyo u diray dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan Muslimiinta caalamka munaasabadda barakaysan ee bisha Ramadaan.
Fariin uu soo saaray ayuu ku sheegay in bisha Ramadaan ay kusoo beegantay xilli adag oo ay dadka Soomaaliyeed la daalaa-dhacayaan duruufo nololeed iyo abaaro saameeyey dad iyo duunyo.
Wuxuu xusay in loo baahan yahay isku duubni, samir iyo isku gargaar si looga gudbo caqabadaha jira.
Madaxweynihii hore ayaa ku boorriyey shacabka inay badiyaan ducada, kana shaqeeyaan nabad, xasilooni iyo barwaaqo. Sidoo kale wuxuu carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la taakuleeyo dadka danyarta ah, maadaama Ramadaanku yahay bil cibaado, is-cafin iyo is-kaalmeyn.
Ugu dambeyn, wuxuu Alle uga baryey in laga aqbalo acmaasha wanaagsan, lana helo khayrka iyo barakada bishan barakeysan.
Ramadaan Mubaarak.





