Muqdisho – Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si adag uga hadlay arrimaha la xiriira doorashooyinka dalka iyo wax ka beddelka Dastuurka Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya, isagoo ka digay tallaabooyin uu sheegay in ay dhaawici karaan hannaanka dimuqraadiyadda iyo wadajirka dalka.
Farmaajo ayaa sheegay in arrimaha doorashada iyo dastuurka ay yihiin kuwo u baahan wadatashi ballaaran oo ay ka qeyb qaataan dhammaan dhinacyada siyaasadda iyo bulshada Soomaaliyeed, si loo gaaro go’aano mideeya shacabka.
Madaxweynihii hore ayaa carrabka ku adkeeyay in aan la qaadan karin go’aano hal dhinac ah oo ku saabsan dastuurka ama nidaamka doorashooyinka, isagoo ku baaqay in la ilaaliyo heshiisyadii hore iyo habraacyadii lagu heshiiyay.
DAAWO.




