MUQDISHO – Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa war rasmi ah kasoo saaray go’aankii shalay galab (casar-liiqii) ka soo baxay fadhigii Golaha Wasiirrada Soomaaliya, kaas oo lagu laalay dhammaan heshiisyadii ay Dowladda Federaalka Soomaaliya la gashay Dowladda Imaaraadka Carabta.
Farmaajo ayaa si buuxda u soo dhaweeyay go’aankaas, isaga oo ku tilmaamay mid lagu ilaalinayo madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed. Wuxuu xusay in go’aannada noocan ah ay door muhiim ah ka ciyaaraan adkeynta qarannimada iyo jiritaanka dowladnimo ee Soomaaliya.
Qoraal rasmi ah oo kasoo baxay Madaxweynihii hore ayaa lagu sheegay in dadka iyo Dowladda Soomaaliya ay waajib ku tahay in dal kasta oo ay wadaagaan xiriir iskaashi iyo saaxiibtinimo uu ku dhaqmo ixtiraamka qarannimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya. Wuxuu sidoo kale adkeeyay in xiriirrada labo-geesoodka ah lagu saleeyo danaha wadajirka ah, isla markaana loo maro hab waafaqsan xeerarka iyo shuruucda caalamiga ah.
Dhanka kale, Farmaajo ayaa baaq u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Xukuumaddiisa, isagoo ku boorriyay in la xoojiyo midnimada shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan xilligan siyaasadeed ee xasaasiga ah.




