Farmaajo oo war culus kasoo saaray xiisadda ka taagan magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay xiisadda ka taagan Muqdisho ee ka dhalatay dibad-baxyada ay sameysanayaan Bajaajleyda oo ka cabanayo lacago lagu kordhiyay.

 

Farmaajo ayaa ugu baaqay dowladda  Soomaaliya inay u dhimriso dhalinyarada cabaneysa, isla markaana ay u fududeyso canshuuraha ay ka cabanayaan.

Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidatan:-

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee aaminay dalkooda, kuna shaqeynaya duruufaha adag, gaar ahaan xoogsatada Bajaajka, waxay mudan yihiin garab istaag iyo in laga fududeeyo culaysyada iyo canshuuraha ay ka cabanayaan.

Dhibaatada iyo dhaawacyada maanta loo gaystay xilli ay Muqdisho si nabad ah ugu soo bandhigayeen cabashadooda waa mid aan la aqbali karin oo niyad jab ku noqonaysa hammiga dhallinyarada Soomaaliyeed ee u istaagay dib u dhiska dalkooda.

Alle waxaan ka baryayaa in uu u booga dhayo dhallinyaradeenna ku dhaawacmay rasaasta maanta lagu wajahay cabashadooda, waxaanna ugu baaqayaa Hay’adaha Dowladda in ay mudnaan siiyaan daryeelka caafimaad ee dhallinyaradan oo nolol-maalmeedkoodu ku tiirsanaa xoogsigooda maalin laha ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here