Muqdisho – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa labo jeer ugu baaqay madaxda siyaasiyiinta mucaaradka inay ka qeyb galaan shir wadatashi ah, balse labada jeerba shirarkaas ayaa fashilmay iyadoo mucaaradku aysan aqbali doonin shirka.
Madaxda mucaaradka, oo ay hormuud ka yihiin madaxweynayaashii hore ee dalka, ayaa si weyn uga saluugay shirarka madaxweynaha ku baaqay, iyagoo ku eedeeyay inuu habka iyo qaabka uu shirka u wadaayo aanu ahayn mid ay ku qanacsan yihiin, isla markaana aan ku saleysneyn wada shaqeyn dhab ah.
Dhanka kale, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku adkeystay in dalka lagu qabto doorasho qof iyo cod ah, isaga oo sidoo kale sameystay xisbi siyaasadeed oo ay weheliyaan saddex maamul goboleed oo ka mid ah dalka.
Si kastaba ha ahaatee, maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaa ka maqan xisbigaan cusub, taasoo sii adkaynaysa xaaladda siyaasadeed ee dalka.
Shirkii uu Madaxweynaha doonayay inuu qabto 15-ka Juun oo maanta ahayd ayaa gebi ahaanba fashilmay, iyadoo xitaa siyaasiyiintii la filayay inay ka soo qayb galaan ay ka baxeen ama diideen ka qeyb galka.
Xaaladdan ayaa muujineysa in siyaasadda Soomaaliya ay weli wajahdo caqabado waaweyn oo ku aaddan heshiis iyo isfaham siyaasadeed, iyadoo doorashooyinka iyo habka loo wajaho arrimaha siyaasadda ay weli yihiin kuwo khilaaf badan ka taagan.




