Fatahaad xoogan oo mar kale ku dhufatay magaalada Beledweyne + Sawirro

0

BELEDWEYNE (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay wabiga Shabelle uu ku fatahay qeybo ka mid ah xaafadaha bari ee magaalada Beledweyne, kadib roobab xooggan oo ka da’ay halkaasi

 

Shacabkii degganaa xaafadaha uu ku fatahay wabiga ayaa ka barakacay guryahooda, iyagoo deegaansaday dhulka taagga ah ee ka fog goobaha fatahaadda.

Xaaladda magaalada ayaa ah mid cakiran, mana jiro illaa iyo hadda wax gurmad ah oo dadka deegaanka ka heleen maamulka degmada, kan gobolka iyo HirShabelle.

Qaar kamid ah qoysaska barakacay oo gaaray dhanka Ceel Jaalle ayaa sheegay inay lasoo daristay xaalad adag, waxayna dalab u direen maamulka gobolka, dowladda dhexe iyo hay’adaha samafalka.

Sanad kasta, fatahaad xoogan ayaa ku dhufato magaalada Beledweyne oo uu maro wabiga Shabelle, waxaana dhibaatada ugu badan ay soo gaartaa shacabka ku dhaqan magaaladaasi oo xarun u ah gobolka Hiiraan.

Si kastaba, Hay’adda SoDMA ayaa dhowaan soo saartay digniino ku aaddan in shacabka ka fogaadaan goobaha biyo mareennada iyo toggaga sababo la xiriiro cabsi laga qabo roobab wato dabeylo iyo daad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here