Muqdisho, 10 Sebtembar 2025 – Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, iyo Ergeyga Gaarka ah ee Xasilinta iyo Ilaalinta Rayidka, Mudane Xildhibaan Cumar Xaashi, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Agaasimaha Hay’adda CIVIC (Center for Civilians in Conflict), Mudane Axmed Ibraahim.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta dadaallada Dowladda Federaalka ee ku aaddan dhammaystirka Siyaasadda Ilaalinta Bedqabka Rayidka iyo Qaab-dhismeedka Hawleedka, taas oo muhiim u ah ilaalinta shacabka Soomaaliyeed ee ku nool meelaha ay ka socdaan hawlgallada amniga.
Wasiir Fiqi iyo Xildhibaan Xaashi ayaa carrabka ku adkeeyay sida ay Dowladda uga go’an tahay in hay’adaha amniga lagu hanuuniyo siyaasad rasmi ah oo rayidka lagu ilaaliyo, laguna xoojiyo isla xisaabtanka, iyadoo la hubinayo in hawlgallada milatari iyo amni aysan waxyeello u geysan dadka aan hubeysneyn.
“Siyaasadani marka la dhammaystiro waxay noqon doontaa hagaha hay’adaha amniga, si ay ilaalinta rayidka uga dhigaan qayb ka mid ah qorshahooda, tababarrada, iyo howlgalada,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka laga soo saaray kulanka.
Hay’adda CIVIC ayaa la shaqeysa dowladaha, ciidamada iyo bulshooyinka si loo yareeyo khasaaraha dadka rayidka ah ku yimaada marka ay dhacayaan dagaallo iyo hawlgallo ciidan.
Kulankan ayaa qeyb ka ah wada-shaqeyn ballaaran oo u dhaxeysa Dowladda Federaalka iyo hay’adaha caalamiga ah ee arrimaha xuquuqda aadanaha iyo amniga rayidka ku shaqada leh.
Siyaasadda Ilaalinta Bedqabka Rayidka ayaa la filayaa in ay si rasmi ah loo ansixiyo bilooyinka soo socda, taas oo noqon doonta tallaabo muhiim ah oo lagu horumarinayo nidaamka amniga Soomaaliya, iyada oo lagu saleeyo ilaalinta sharciga caalamiga ah iyo xuquuqda dadka rayidka ah.



