Firdhiye oo Kulan La Qaatay Ku-simaha Danjiraha Dowladda Norway ee Soomaaliya

0

MUQDISHO, Soomaaliya, MAY 4, 2025 – Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali, hoggaamiyaha dowlad goboleedka SSC-Khaatumo, ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay Kusimaha Danjiraha Dowladda Norway ee Soomaaliya, Mudane Carsten Carlsen.

 

Kulanka ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana looga hadlay arrimo muhiim ah oo la xiriira nabad-dhiska, horumarinta siyaasadeed, iyo iskaashiga labada dhinac ee ku aaddan mustaqbalka.

Cabdulqaadir Aw-Cali ayaa kulanka kadib sheegay in SSC-Khaatumo ay ka go’an tahay horumarinta deegaannada ay mas’uulka ka tahay, isagoo sidoo kale xusay in dowlad goboleedka ay dadaal weyn ugu jirto sidii loo xoojin lahaa nabadda iyo xasiloonida gobolka.

“SSC-Khaatumo waxay muhiimad gaar ah siinaysaa arrimaha nabad-dhiska iyo horumarinta siyaasadeed ee deegaannadeena. Waxaan rajeyneynaa in iskaashiga aan la yeelano dowladda Norway uu naga caawin doono horumarinta mashaariicda xasilinta iyo barnaamijyada siyaasadeed ee mustaqbalka,” ayuu yiri Cabdulqaadir Aw-Cali.

Dhankiisa, Kusimaha Danjiraha Dowladda Norway ee Soomaaliya, Mudane Carsten Carlsen, ayaa muujiyay taageerada Norway ee dadaallada nabad-dhiska iyo horumarinta ee SSC-Khaatumo, isagoo ballanqaaday in dowladda Norway ay sii wadi doonto taageerada ay siiso horumarinta iyo xasilinta gobolka.

Kulankan wuxuu qayb ka yahay dadaallada SSC-Khaatumo ee ku aaddan horumarinta iyo xoojinta iskaashiga caalamiga ah ee gobolka, iyadoo la raadinayo xalal waara oo ku saabsan nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here