Nisa oo sameysay howlgallo amni xaqiijin ah iyo digniino ka imaanaya Xalane

0

MUQDISHO (SMN) – Warar soo baxaya ayaa sheegaya in magaalada Muqdisho lasoo geliyay gaadiid ay ka buuxaan walxaha qarxa, kuwaas oo lasoo wariyay inay ku raad joogaan ciidamada ammaanka.

 

Xog ay heshay Shabelle ayaa sheegeysa in ciidamada dowladda la geliyay heegan buuxa, si ay uga hortegaan weeraradan laga cabsi qabo inay ka dhacaan magaalada Muqdisho.

Sidoo kale ciidamada NISA ayaa sameeyay howlgallo amni xaqiijin ah, ayada oo dhammaan tallaabooyinkan ay imaanayaan kadib digniino amni oo kasoo baxay xerada Xalane.

Weeerarada Al-Shabaab ayaa sii kordhaya, waxaana ugu dambeeyay qaraxii shalay ka dhacay agagaarka guriga Hooyooyinka iyo weerar kale oo habeen hore ka dhacay degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, kuwaas oo dhaliyay khasaarooyin leh dhimasho iyo dhaawac.

Halkan hoose ka daawo warbixinta:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here