BUULOBURDE (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in gaadiid fara badan uu maalintii 8-aad ku xayiran yahay duleedka degmada Buuloburde ee gobolkaasi, kuwaas oo sida oo alaabo kala duwan.
Gaadiidkan oo ka baxay Muqdisho ayaa lagu xannibay duleedka degmadaasi, waxaana lagu soo rogay lacago dheeraad ah oo canshuuro lagu sheegay.
Mid kamid ah darawallada ku xayiran halkaas oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in maamulka degmada uu kusoo rogay canshuur aysan fileyn, kadibna loo diiday inay gudaha u galaan magaalada.
Sidoo kale wuxuu farriin u diray madaxda sare ee HirShabelle iyo dowladda federaalka oo uu ka dalbaday inay soo farageliyaan cabashadooda.
Hiiraan ayaa waxaa haatan ka taagan xaalado bani’aadanimo oo adag, kuwaas oo ka dhashay fatahaado ku dhuftay deegaanada gobolkaas oo uu maro wabiga Shabelle.