Gaadiid siday Qamri oo lagu qabtay xaduuda Soomaaliya iyo Itoobiya

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Ciidamo ka tirsan kuwa dadka deegaanka ayaa maanta gacanta ku dhigay laba gaari oo siday waxyaabaha maanka dooriyaha, gaar ahaan Qamri, kuwaas oo ka yimid dhinaca dalka Itoobiya.

 

Gaadiidkan iyo raggii la socday oo Itoobiyaan ah ayaa lagu qabtay xadka Soomaaliya iyo Itoobiya ee ku beegan dhinaca gobolka Galgaduud.

Wararka ayaa sheegaya in gawaarida iyo laba nin oo la socotay loo soo gudbiyay mid kamid ah degmooyinka gobolka Galgaduud, halkaas oo lagu marsiin doono baaritaano.

Inta badan waxaa deegaanada xadka isaga kala goosha gaadiid sida Qamri oo la geeyo deegaanada Galmudug iyo Puntland, waxayna halis ku hayaan bulshada deegaanka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here