Doolow (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta qarax miino uu ka dhacay inta u dhexeysa degmooyinka Doolow iyo Beledxaawo ee gobolkaasi.
Qaraxa ayaa haleelay gaari ay la socdeen dad shacab ah oo marayay halka loo yaqaano Cinjirta, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.
Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaan miino ku dhintay ugu yaraan 2 qof, halka ay ku dhaawacmeen 5 kale oo kamid ah dadka la socday baauurka la qarxiyay.
Sidoo kale waxaa gebi ahaan burburay gaariga uu qaraxu haleelay oo gubtay, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.
Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa gaaray goobta, waxayna sameeyeen baaritaano kooban, balse ma jirto illaa iyo hadda cid ay usoo qabteen falkaasi argagaxa leh.
Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana gurmad loo fidiyay dadka ay waxyeelo kasoo gaartay qaraxaasi oo haatan lagu dabiibayo isbitaallo ku yaalla gobolka.
Gedo ayaa waxaa inta badan ka dhaca weeraro qaraxyo ah iyo kuwa dhabagal ah oo ay Al-Shabaab ka fuliyaan gobolkaas oo ay ka howlgalaan ciidanka dowladda & kuwa Jubbaland.
Gobolkan ayaa la filayaa inuu dhawaan ka bilowdo howlgal culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo kamid ah qorshaha lagu xoreynayo deegaanada ay joogaan Al-Shabaab.