Gaari ay la socdeen dad shacab ah oo qarax lagula eegtay gobolka Sh/ Hoose

0

SHALANBOOD (SMN) – Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in saaka qarax miino uu haleelay gaari BL ah oo ay la socdeen dad shacab ah, kaas oo marayay agagaarka deegaanka Shalanbood ee gobolkaasi.

 

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dadkii saarnaa baabuurka la qarxiyay.

Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay qaraxan, waxaana ku dhaawacmay 5 kale, sida uu xaqiijiyay maamulka deegaanka Shalanbood oo faah-faahin ka bixiyay dhacdadaasi.

Baabuurka uu qaraxu haleelay ayaa ka yimid dhinaca magaallo xeebeedka Marka, wuxuuna ku sii jeeday degmada Qoryooley ee isla gobolka Shabeelaha Hoose.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaan goobta uu qaraxu ka dhacay gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka iyo kuwa howlgalka ATMIS.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here