MUQDISHO (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo barqanimadii maanta ka dhacay deegaanka Daarusalaam ee duleedka Muqdisho.
Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala eegtay gaari Cabdi Bile ah, xilli uu marayay suuqa caanaha ee deegaankaasi, sida ay innoo xaqiijiyeen goobjoogayaal.
Wararka ayaa sheegaya in qaraxaan ay ku dhinteen dhammaan askartii saarneyd baabuurka oo gaarayay illaa lix askari, sida aan kasoo xiganay dadka deegaanka
Sidoo kale waxaa weerarkan qaraxa miino loo adeegsaday ku dhintay saddex qof oo shacab ah oo iyaguna ka agdhowaa goobta qaraxa lagula beegsaday ciidamadaasi.
Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaan goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya oo howlgallo ka wadaa halkaasi.
Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha hay’adaha ammaanka oo ku aadan qaraxaas uu khasaaraha kasoo gaaray ciidamada dowladda.
Weerarkan ayaa qayb ka noqonaya falalka ammaan darri ee haatan ka dhacaya gudaha caasimadda, kuwaas oo isugu jiro qaraxyo iyo sidoo kale dilal qorsheysan.