Gaari looga shakiyay qarax oo lasoo dhigay isgoyska KPP ee Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Gaari looga shakisan yahay in uu qarax ku xiran yahay ayaa lasoo dhigay agagaarka Isgoyska KPP ee degmada Hoodan, gaar ahaan Somali Specialist Hospitaal hortiisa.

 

Ciidamada amaanka ayaa xiray wadada uu gaarigaani yaalo, waxaana xittaa loo diiday in dadku ay lug ku maraan maadama shaki weyn laga qabo gaarigaan.

Xaaladda goobta ayaa haatan ah mid aad u kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan gaarigaasi.

Muqdsho ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay ka dhacayay falal ammaan darri oo isugu jiro qaraxyo, waxaana ugu dambeeyay weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee xeebta Liido.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here