Gabar anshax xumo ku baahineysay baraha bulshada oo la soo xiray

0

MUQDISHO (SMN) – Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka oo gudanaya waajibkiisa ka saaran ilaalinta sharuucda dalka ayaa soo xeray Bishaaro Idiris Maxamed oo maalmahii lasoo dhaafay baraha Bulshada ku baahineysay muuqaalo anshax xumo ah oo aay aad u dhibsadeen bulshada Soomaaliyeed.

 

Xeer Ilaalinta Qaranka ayaa maanta horgeysay Maxkamadda gobolka Banaadir eedeysane Bishaaro Idiris oo ay soo xereen Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxaana lagu soo eedeeyay In ay ku xadgudubtay anshaxa iyo dhaqanka

Xafiiska Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in uu talaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doono cid walba oo lagu helo ayada oo sameyneysa wax lid ku ah dhaqanka iyo anshaxa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here