MUQDISHO (SMN) – Weriye Aisha Abass Tahliil oo ka tirsan wargayska ugu afka dheer Muqdisho ee Xog-doon ayaa caawa abaaro 07:30 PM koox ku hubeysan bistoolado waxa ay ku weerareen degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.
Waxaa la maqlayay rasaaas xoogan oo goobjoogayaashu ay sheegayaan in lagu furay gabadha weriyaha ah ee la beegsaday inkastoo waxyeelo aysan gaarin haddana kooxda dilkaas damacsanayd ayaa goobta isaga baxsatay.
Si dirqi ah ayay kooxdan oo la rumeysan yahay in ka tirsan yihiin Al-Shabaab kaga badbaaday Weriyaha, waxaana rasaasta ku soo baxay ciidan ka tirsan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya halkaas oo iska caabin ay kala kulmeen kooxdii weerarka ku soo qaaday weriye Aisha Abass Tahliil.
Weerarkan lagu damacsanaa in lagu khaarijiyo wariyaha ayaa dhacay xili ay ka soo laabatay shaqo maalmeedka ee Wargayska Xog- Doon ee ka soo baxa magaalada Muqdisho.
Weriye Aisha Abass Tahliil ayaa si wayn wax uga qorta tacaddiyada ay kooxaha hubeysan sida Al- Shabaab ama xittaa dhanka dowladda ay u gaystaan dumarka Soomaaliyeed.
Dhowr jeer sida ay sheegtay weriye Aisha Abass Tahliil kooxdaayaa ugu hanjabtay in ay khaarijin doonaan haddii aysan joojin qoraalada ay ka samaynayso tacaddiyada ay u gaystaan haweenk, iyadoo oo la kulmaysay maalmihii la soo dhaafay hanjaabyo iyo wicitaano toos ah.
Kooxda Al- Shabaab ayaa inta badan beegsata suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ka howlgala warbaahinta madaxa banaan, waxaana jira dilal badan oo ay u gaysteen suxufiyiin dhawr ah oo rag iyo dumarba isugu jira .
Weriyaal badan ayaa dalka isaga cararay cabsi ay ka qabaan Al- Shabaab iyo sidoo kale caburinta kaga imaanaysa dhanka dowladda Soomaaliya.