Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo xiriirka u jaray mid ka mid ah wasaaradaha DF

0

MUQDISHO (SMN) – Maamullada Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa maanta ku dhowaaqay inay gebi ahaan xiriirka u jareen wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta dowladda Soomaaliya oo maanta Muqdisho ku qabatay shirweyne u furmay culimada Soomaaliya.

 

Qoraallo kasoo kala baxay wasaaradaha diinta iyo awqaafta ee Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa waxaa lagu qaadacay shirka, ayada oo gebi ahaan xiriirka loogu jaray wasaaradda diinta iyo awqaafta ee dowladda dhexe, kadib markii ay u jeediyeen eedeymo culus.

Qoraalka kasoo baxaya Galmudug ayaa waxaa lagu yiri “Wasaaradda diinta iyo awqaafta Galmudug waxay caddeyneysaa in aysan jirin cid ku metasho shirka wadatashiga culimada ee maanta furmay, maamaama aanan waxba kala socon shirkaas”.

Waxaa kale qoraalka lagu yiri “Galmudug waxay ku dhawaaqeysaa inay gebi ahaanba joojisay wadashaqeyntii kala dhexeysay wasaaradda diinta iyo awqaafta dowladda federaalka Soomaaliya, inta lagu heshiinayo qaabka wada shaqeynta”.

Dhinaca kale Koonfur Galbeed ayaa soo saartay war kan lamid ah, waxayna sheegtay in sanadkan aysan qayb ka ahayn shirka culimada, isla markaana aanay quseyn qodobada kasoo baxa.

Wasiirka diinta iyo awqaafta Nuur Siidow Baaba oo wareysi gaar ah siiyay Shabelle ayaa faah-faahin ka bixiyay sababa go’aankooda iyo waxa ay ku diideen shirka Muqdisho.

Shirkan la’isk haysto ayaa waxaa maanta daah-furay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana la qabana sanadkiisii labaad, ayada oo sanadkan diiradda lagu saarayo Midnimada iyo wadajirka dadka Soomaaliyeed, waxaana Hal-ku-dhig looga dhigay (Soomaali mid ah).

Halkan hoose ka akhriso:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here