Galmudug iyo Puntland oo heshiis cusub ku gaaray magaalada Gaalkacyo

0

GAALKACYO (SMM) – Madaxda maamullada Galmudug iyo Puntland ayaa xalay wada-hadallo xasaasi ah ku yeeshay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

 

Kulan wadajir ah oo ay yeesheen labada maamul ayaa waxaa gudddoomiyay madaxweyne Axmed Qoor Qoor iyo madaxweyne Saciid Deni, ayada oo diiradda lagu saaray iskaashiga labada dhinac.

Galmudug iyo Puntland ayaa go’aanno cusub kaso saaray shirka ka dhacay magaalada Gaalkacyo, waxaana lagu go’aamiyay afae qodob oo kala ah:

– Xoojinra iskaashiga amniga, nabadeynta, ganacsiga, dhaqaalaha iyo isdhexgalka bulshada ee Puntland iyo Galmudug.

-Qabashada kulamo heer wasiiro ah oo saddex bildoodle ah, si loo xaqiijinayo mirodhalka dadaalladii socday.

-In mashaariic horumarineed laga hirgeliyo deegaanadii ay colaaduhu saameeyeen, si ay bulshada usoo kabato.

-In labada dowladood ay si wadajir ah ay daraasad mideysan uga sameeyaan maareynta biyo-saarista degmada Gaalkacyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here