GALMUDUG oo qaaday tallaabo la xiriirta dagaal beeleedka ka socda Mudug

0

GAALKACYO (SMN) – Dowlad goboleedka Galmudug ayaa ku baaqday nabad iyo in si shuruud la’aan ah loo joojiyo dagaalka ka socda galbeedka gobolka Mudug, kaas oo u dhaxeeyo beello walaalo ah.

 

Maamulka Galmudug ayaa sheegay si loo joojiyo coladaan ay dhankeeda dirtay guddi ka kooban wasiirro, xildhibaanno masuuliyiinta gobolka Mudug, waxana ay dhinacyada ka dalbatay in loo hoggaansamo guddiyada ay Galmudug iyo Puntland u xilsaareen xabbad joojinta iyo nabadeynta.

Sidoo kale waxa ay dhinacyada fartay in la tixgaliyo ciidamada amniga ee ay isla garteen masuuliyiinta labada State in la geeyo goobaha dagaalada ay ka dhaceen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here