DHUUSAMAREEB (SMN) – Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug, Cabdullahi Xirsi Xagey oo wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Shabelle ayaa ka hadlay arrimo ku aadan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.
Guddoomiyaha ayaa shaaca ka qaaday inay haatan beddaleen qorshihii dagaalka, isla markaana ay taasi keentay in dhul ballaaran laga saaray Al-Shabaab.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inaan baahi weyn loo qabin in loo adeegsado diyaarado dagaal, balse looga adkaan karo dagaalka tooska ah ee haatan socda.
Cabdullahi Xiris ayaa sidoo kale shacabka Galmudug ugu baaqay inay u midoobaan dagaalka adag ee lagula jiro kooxda ee ka socda gobollada Galgaduud iyo Mudug.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay kaabiga ku haayaan deegaanka Caad ee koonfurta gobolka Mudug.