Ganacsatada Qaadka Kenya oo shaaciyay inay caqabad kale soo wajahday

0

NAIROBI (SMN) – Ganacsatada Qaadka Kenya ayaa ka cabanaya lacago baad ah oo lagu qasbayo in AY siiyaan shaqsiyaad awood badan oo ugu hanjaba inay ka joojinayaan in loo iib geeyo Soomaaliya, oo ah suuqa kaliya ay haystaan xiligan.

 

Ganacstada oo markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dib loo doortay kadib  billaabay dhoofinta Miraa ee Soomaaliya ayaa lagu qasbay inay $4.5 oo dheeraad ah ku bixiyaan halkii kiilo oo Qaad ah, taasoo ku dhacda jeebka shaqsiyaad gaar ah, oo ka howlgala garoomada Kenya, iyadoo dowladana ka qaado Canshuur kale.

Qaar kamid ah Ganacsatada Miraa ee ka soo jeeda gobolka Meru ayaa ugu baaqay dowlada Kenya in ay baaritaan ku sameyso arintaan oo ay gacanta ku soo dhigto kooxaha burcada ah ee shaarka dowladda ku dhacaya, cabaqadana ku ah ganacsigooda Qaadka.

Guddoomiyaha Iskaashatada Qaadka Kenya oo wareysi siinayay warbaahinta dalkaas, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in ganacsatadu ay hadda ku sugan yihiin xaalad adag oo rajo beel ah, taasoo haddii dowladdu ay ku guul-darreysato inay tallaabo cad ka qaaddo, uu joogsan doono dhoofinta Qaadka.

“9-kii bilood ee ugu dambeesay waxaan lacag baad ah siinaynay saraakiil kamid ah dowladda oo lacag baad ah naga qaada, balse ma muuqato wax xal ah, dhibaatooyinkana wali waa ay taagan yihiin” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Ganacstada ayaa sheegay in Qaadka aysan marsiin karin dhulka, maadaama xadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya uusan amni ahayn, waxayna ugu baaqeen Madaxweyne Ruto inuu soo farageliyo caqabada taagan, oo ah lacag dheeri ah oo $4.5 oo kiilada qaadka laga qaadayo.

Dhoofinta Miirowga Kenya u dhoofiso Soomaaliya waxa ay ka heshay lacag malaayiin dollar ah muddo saddex bilood ah tan iyo markii uu dib u soo laabtay iibinta maandooriyaha bishii July ee sanadkii 2022.

Qaadka la keeno Soomaaliya ayaa kor u kacay 50 tan oo maalinle ah, iyadoo qaadka ugu badan uu kasoo dego magaalada Muqdisho. Ganacsatada ayaa sii kordhaya xadka Qaadka ay Soomaaliya keenaan, si lacago badan uga sameeyaan, maadaama xayiraad ay saarnayd intii u dhaxaysay 2019 illaa 2022.

Bishii Oktoobar ee sannadkii hore, Kenya waxa ay ka heshay iibka Miirowga ee Soomaaliya ugu yaraan 4 bilyan oo Shilinka dalkaas kaddib markii ay u dhoofisay ugu yaraan 1.2 milyan kiiloogaraam oo qaad ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here