MUQDISHO (SMN) – Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa maantabMaxkamadda gobolka Banaadir horgeeyay 9 eedeysane iyo shirkado loo haysto ka ganacsiga Cabitaano iyo cunooyin dhacay, kuwaas oo maalmo ka hor laga soo qabtay suuqa weyn ee Bakaaraha.
Xeer ilaalinta ayaa ku eedeysay ganacsatadan inay sameeyeen fal khatar ku ah buslahada, isla-markaana ay jawaano iyo taariikh cusub siiyeen raashin iyo cabitaano dhacay.
“Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxa uu horgeeyay Maxkamadda Gobolka Banaaditr 9 eedeysane iyo shirkado lagu soo xiray ka ganacsiga cunnooyin iyo cabitaanno dhacay, ayaga oo jawaano iyo taariikh cusub siinaya,” ayaa lagu yiri qoraalka Xeer-ilaalinta.
Sidoo kale xafiiska Xeer ilaaliyaga Guud ee Qaranka ayaa farriin culus u diray shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna ku booriyay inay si weyn ula shaqeeyaan laamaha amniga.
Halkan hoose ka aqriso:-