Laascaanood — Garaadka guud ee SSC Khaatumo, Garaad Jaamac Garaad Cali, ayaa ka dhawaajiyay muhiimadda ay leedahay in la isugu yimaado gogol wada hadal ah oo ay yeeshaan maamullada Puntland iyo Khaatumo, si ay uga wada hadlaan masiirka siyaasadeed iyo danaha ay wadaagaan labada dhinac.
Garaadka ayaa sheegay in wadahadalladaasi yihiin kuwo lama huraan u ah mustaqbalka labada maamul, isagoo xusay in laga indha tirayo muhiimadda ay leeyihiin. Waxa uu hoosta ka xarriiqay in Khaatumo ay u baahan tahay taageero iyo deegaano cusub oo kusoo biiro, kuwaasoo uu sheegay in kaliya laga heli karo dhanka Puntland.
“Deegaanada aan u baahanahay SSC kama imaanayaan gobolka Banaadir, ee waxa ay naga jiraan Puntland,” ayuu yiri Garaadku isagoo muujiyay dareen caro leh oo ku wajahan hannaanka ay u wajahanyihiin hogaamiyeyaasha SSC xiriirka Dowladda Federaalka.
Waxa uu si cad u muujiyay in aysan raalli ka ahayn sida hoggaanka SSC xoogga ugu saarayaan xoojinta xiriirka Dowladda Federaalka, iyaga oo ka leexanaya Puntland oo uu sheegay inay tahay deris ay iskaashi dhaxayn karo.
Hadalkan ayaa imaanaya xilli maamulka Khaatumo uu sii fidinayo gacantiisa siyaasadeed kadib guushii ay ka gaareen Somaliland, oo ay ka saareen magaalada Laascaanood iyo deegaano ku dhow.
Waxaa la filayaa in baaqa Garaadka uu kor u qaado fursadaha wadahadal iyo is-faham laga dhex abuuro labada dhinac ee Puntland iyo Khaatumo, xilli la rajeynayo xasillooni siyaasadeed oo ka dhalata gobolka.




