MUQDISHO (SMN) – Illaa 25 gaari oo nooca xamuulka ah, isla markaana siday gargaar bani’aadamo ayaa xalay gaaray magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.
Gaadiidkan oo ka baxay magaalada Muqdisho ayaa si nabad ah ku tegay Guriceel, si gargaarkaasi loogu qaybiyo qoysaska ay saameysay abaarta LaNina.
Hay’adda SoDMA oo ka warbixisay gargaarkan ayaa sheegtay in loo qaybin doono illaa 3,000 oo qoys oo haatan xaalad adag ku wajahaya deegaano ka tirsan Galgaduud.
Halkan hoose ka daawo:-