Beledxaawo, Soomaaliya – Xaaladda gobolka Gedo, gaar ahaan degmada Baladxaawo, ayaa markale noqotay mid laga dareemayo jawi colaadeed, iyadoo ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ay muujiyeen feejignaan sare xilli ay ka cabsi qabaan weerarro kaga iman kara ciidamada Jubbaland.
Ilo-wareedyo amni ayaa xaqiijiyey in ciidamada dowladda ay xirayaan xuduudda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya, si looga hortago dhaq-dhaqaaqyo milatari oo laga yaabo in ay ka yimaadaan dhanka Mandheere, halkaas oo wararku sheegayaan in ay gaareen cutubyo ka tirsan ciidamada Jubbaland.
Dowladda ayaa sidoo kale waddo howlgallo amni oo ka socda duleedka magaalada Baladxaawo, iyagoo xoogga saaraya ka hortagga falal keeni kara khalkhal amni iyo dagaal dib uga qarxa gobolka.
Dhanka kale, Taliyaha Guutada 10aad ee Qaybta 43aad, Gaashaanle Sare Cismaan Sh. Cabdi Qorrax (Niiniile), oo hoggaaminaya wafdi sare, ayaa gaaray magaalada Garbahareey, si uu qiimeyn amni iyo kormeer ugu sameeyo xaaladda gobolka.
Cabsi xoogan ayaa laga qabaa in dagaal dib uga qarxo degmooyinka Baladxaawo iyo Garbahareey, iyadoo dowladda dhexe si dhow ula socoto dhaqdhaqaaqyada milatari ee Jubbaland, oo horey loogu kala irdhoobay gacan-ku-haynta gobolka Gedo.
Xiisaddan cusub ayaa kusoo beegmeysa xilli khilaafka siyaasadeed iyo amni ee u dhexeeya dowladda dhexe iyo Jubbaland uu weli xal rasmi ah loo helin, taasoo caqabad ku ah dadaallada dowlad-dhisidda iyo nabadeynta gobolka.




