Gen. Axmed Cabdi Qalyare oo ku geeriyooday qarax miino deegaanka Dhasaan, Puntland

0

QANDALA, Soomaaliya – Taliyihii Howlgelinta Ciidamada Puntland, Gen. Axmed Cabdi Qalyare, ayaa ku geeriyooday qarax miino oo ka dhacay deegaanka Dhasaan ee degmada Qandala, gobolka Bari.

 

Qaraxa ayaa ahaa mid si ula kac ah loogu xiray waddada ay marayeen ciidanka Puntland, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac labadaba leh, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta Puntland.

Gen. Qalyare wuxuu ahaa sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Puntland, kaas oo muddo dheer ka shaqeynayay dhismaha ciidamada iyo horumarinta amniga gudaha.

Waxa uu sidoo kale muddo ka soo shaqeynayay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, isagoo hore u soo qabtay xilal muhiim ah, sida Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ee gobolka Awdal.

Dadka yaqaanay ayaa ku tilmaamay inuu ahaa sarkaal geesi ah, karti iyo hufnaan ku caan baxay, isla markaana mar walba ka go’naa difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Muddooyinkii u dambeeyay, Gen. Qalyare wuxuu door muhiim ah ka ciyaaray dagaallada ay Puntland kula jirtay tan iyo 2024 kooxda Daacish oo si weyn uga hawlgasha gobolka Bari.

Ciidamada uu hogaaminayay ayaa gaarey guulo badan oo la xiriira hawlgallada ka dhan ah kooxda Daacish, iyagoo ka saarey saldhigyadii ugu muhiimsanaa.

Geerida Gen. Qalyare waxaa si weyn uga tacsiyadeeyay Taliyaha Booliska Puntland, Sareeye Guuto Muumin Cabdi Shire, oo qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ah ku sheegay in geerida sarkaalka ay tahay mid murugo weyn ku reebtay ciidamada iyo shacabka Puntland.

Sidoo kale qaraxaas ayaa waxaa ku dhintay Marxuum Maxamed Hiiteeye, oo ka mid ahaa ciidanka Puntland ee u taagan ilaalinta amniga iyo la dagaalanka Daacish.

Maamulka Puntland ayaa sheegay in falalka noocan oo kale ah aysan marna ka harin, isla markaana ay ku beegsan doonaan awood iyo cadaalad, si loo xakameeyo una baabi’iyo kooxaha carqaladeynaya nabadda iyo horumarka gobolka Bari.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here