Gobolka Bakool: Howlgal Ciidan oo Lagu Dilay Saddex Xubnood oo Al-Shabaab katirsan

0

Muqdisho — Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhacay nawaaxiga Moora-Gaabeey, 37 KM u jirta degmada Xuddur ee gobolka Bakool, iyadoo howlgalka lagu dilay saddex xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab laguna dhaawacay in ka badan toban kale.

 

Sidan warbaahinta qaranka ay sheegtay, Howlgalka ayaa si xeeladeysan loo abaabulay, waxaana ciidamada ka qayb qaatay gaar ahaan Guutada 9-aad ee Qeybta 60-aad ee Xoogga Dalka. Intaa waxaa dheer, ciidanku waxay gacanta ku dhigeen hub iyo saanad ay kooxda Al-Shabaab adeegsanayeen.

Taliyaha Qeybta 60-aad, Gaashaanle Sare Maxamed Yariis Aadan, oo la hadlay warbaahinta ciidamada, ayaa sheegay in howlgalkan uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo Al-Shabaab, islamarkaana ciidamada ay ka go’an tahay sugidda amniga deegaanka iyo badbaadada shacabka Soomaaliyeed.

Ciidanka ayaa sidoo kale sheegay inay sii wadi doonaan howlgalada qorsheysan ee lagula dagaallamayo Al-Shabaab, si loo xoojiyo ammaanka iyo xasiloonida gobolka Bakool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here