GARBAHAAREY [SMN] – Gobolka Gedo waxaa ka taagan xaalad bani’aadanimo oo khatar ah, oo saameyn ku yeelatay Shacabka, Mas’uuliyiinta iyo Ciidamada ku sugan gobolka.
Dadka ku dhaawacma qaraxyada Alshabaab ma heli karaan gar gaar caafimaad oo deg deg ah hadii ay u baahdaan diyaarado loogu soo qaado isbitaalada waaweyn ee Muqdisho.
Dayac la xiriira arintaasi waxaa Muqdisho ugu geeriyooday gudoomiye ku xigeenkii amniga iyo Siyaasada degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo Cabdi Fataax Nuur kaasi oo la la eegtay qarax , kadibna loo waayay diyaarad lagu soo qaado inkastoo goor dambe oo xeero iyo Fandhaal kala dheceen loo helay diyaarad usoo qaaday Muqdisho kadibna uu ku geeriyooday.
Culeyska ugu badan ee Saaran gobolka Waa xayiraada dhinaca duulimaadyada, oo dhibka ugu badan uu ku dul hagooganayo shacabka gobolkaaasi.
Gaashaanle Guhaad Maxamuud Cumar oo kamid ah saraakiisha Milatariga ee ku sugan gobolka Gedo oo u waramayay Shabelle ayaa waxa uu sheegayaa in xaaladu ay tahay mid halis ah, islamarakaana gobolku uu cagaha lasii galayo xaalado bani aadanimo oo dadku aysan heli katin wax gargaar ah.
Waxa uu tilmaamay in Markii hore ay taageereen dowladda si meesha looga saaro Axmed Madoobe, balse dowladiiba ay xayiraad saartay gobolka, waxa uu ka dalbanayaa madaxda dalka in sida ugu dhaqsiyaha badan loo furo duulimaadyada dhinaca hawada gobolka.
Gobolka Gedo waxa uu kamid yahay gobolada saameenta xoogan inta badan ay ku yeeshaan isqabqabsiga dowladda iyo maamulka Jubaland, oo aalaaba uu u yahay dhibane.